Markaan waxaynu soo booqanaynaa guri caadi ah
hadana ah mid khaas ah.Buugaagtii
taariikhda hadaan dib u jaleeecno dhulkii loo yaqaan dhulkii uduga (Puntinmaa)
kaa xiriir ganacsi la lahaa Masaaridii hore ee faraaciintii lagana dhoofin jiray fooxa iyo waxyaalo kale oo qaali ah .
Jamac iyo sahra waa qoys Soomaali waxayna
ilmahooda ka kooban yihiin 4
caruur ah 2 wiil iyo laba gabdhood .
sahro oo hooyada ah waxa ay barataa caafimaadka kalkaaliso waxayna xiisaysaa
jimaicsiga .Jama oo aabaha waxa uu xiiseeyaa kubada cagta jamac waxa uu ka shaqeeyaa magaalad
vanta dugsiga havukallio waana bare luqada hooyo.
Jamac waxa uu ka qeyb qaataa dhaqamada ajaanibta una gudbiyaa qowmida aan la noolnahay ee Finishka ah waxa ku wareegaa oo
socdaalo ku kala bixiyaa dugsiyada magaalooyinka iyo dhamaan wadanka
Finland.Isagoo soo bandhagaya dhaqanka Soomaalida.
Ilmahooda waxa ay kala yihiin Subeida 8 jir,
Mohamed 7 jir ,Suham 5 jir , Mohamud 1 sano jir si wanaagsan ayuu u soconayaa
waana furfuran yahay .
Qoyskan waxa ay luqada finishka ugu hadla si
wanaagsan ani dhankayga waxa ay ka heleen tiro buuxda toban,Maxamud waa qoska ilma ugu yar,waxaan uu raabaa in
sariirtiisa yar ka soo duso.
Inari
Virmakoski waa farshanad dhanka sawirada waxay ay diyaar
inoola tahay in ay inoo furto sanduuqii safarkeedii inoo gana sheegto
khibradeedii iyo sidey ahed .Inari waxa ay ku noolaan jirtay Soomaaliya dhowr
sano khaas ahaan Mogadishu iyo Hargeysa.
Raashin
:dhaqameedka soomaaliyeeed kaa oo
ah aasaaska soomaalinimo ee soo jireenka ah boqolaalka sano .Kaa oo ah mid la
jeleysan karo wanaagiisaiyo macankiisa waxa lagu cuni doonaa dhulka Hilib iyo
bariis,sambuusi shaah waxa halkaa laga shidi doonaa foox ,uunsi macaanaa iyo
caraf badnaa macanaa oo caraf badnaa !
Halkaa waxa ka dhageysnaynaa
gabayo,sheekooyin, sawiro soomaalia iyo wax iyo in wax looga sheego diinta,habeenkaaa waxaan
helaynaa dhamaanteen khibrad taa oo ah wax muuqada wada noolaanshaha bulshada
ee soo socda.
Diiwaangalinta waa toban qof .
Ku soo dhawow :